“Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay…”Friday, July 25, 2008 — Jidhidhico
Gabayada caan baxay ee laga mariyey dagaalkii Ruuga [ee dhacay 9kii bishii tobnaad,1913, kana dahacay dacalada buurta Dulmadoobe, laguna halligay Richard Corfeild (amaba Koofil) oo kamid ahaa madaxdii ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya] ayaa waxaa kamid ahaa gabaygii Ismaaciil Mire (AUN) ee ahaa, “Annagoo Taleex naal Jihaad taladi soo qaadnay.” Ismaaciil markii uu libintii dagaalkaas ula hoyday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, ayuu Sayid Muxammad (AUN) ka dalbaday in Ismaaciil dadkii xarunta dhoobnaa uga waramo sida dagaalkaa loo abaabulay loona soo afjaray. Ismaaciil Mire (AUN) waxa uu Eebbe ugu deeqay haybada “askunka” ee qisooyinka iyo tebintoodaba. (Sh. J. C. Ciise, 1998) Waxa uu haddaba Ismaaciil mariyey gabaygan hoos ku qoran. Read the rest of this entry »
Posted in Gabayadii Ismaaciil Mire, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Askunka hadalka, Gabay, Ismaaciil Mire, koofil, Suugaan, Taleex. No Comments »
Protected: Galgalataye god baa kuu qodanFriday, July 18, 2008 — Jidhidhico
This post is password protected. To view it please enter your password below:
Password:
Posted in Canaan-guud, Soomaali, Uncategorized. Tags: Maahmaah, Maqaal, Suugaan. Enter your password to view comments
“Koofil”Monday, June 30, 2008 — Jidhidhico
Richard Corfield (oo ay Soomaalidu u tiqiin “Koofil”) oo kamid ahaa madaxda ciidamaddii Ingiriiska ee fadhiyay Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa soo hogaamiyay ciidan rakuubley ah oo birmad ahaa, rabayna in geel ay Daraawiishtu ka dhacday casar horaanteed gacanta ku soo dhigaan. Koofil waxa uu ku gacan saydhay amar kaga yimid madaxdiisii oo Daraawiish la dirirkeed ayuu gacmaha u soo xaytay, waxa uuna ciidankiisii dul tubay buurta Dulmadoobe, halkaas oo ay iyagoo 101 nin oo raacda ahi Daraawiish u babac dhigeen. Daraawiishtii oo uu hogaaminayay Darwiish Ismaaciil Mire (AUN) ayaa ka war heshay gaadmada koofil doonayey inuu Daraawiish kaga libin qaato; geellii ay wadeen intay doc Dulmadoobe kamida isugu duween ayey u soo hub urursadeen dagaal xoogan. Barqaddii markii weerarkii bilowday ayaa daqiiqado gudohood lagu dilay Koofil, ciidankiisiina waa la jabiyay. Gacantii Koofil iyo Madaxisii ayaa debadeed la keenay Taleex si loo rumaysto dhimashada Koofil. Ismaaciil Mire oo arintaa waa’ dambe ka hadlay wuxuu yidhi:
Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadayeKaskiisaba ma gelin wiil yar baa keebka kuu qabaneRagow kibirka waa lagu kufaa kaa ha’la ogaado.
Waxa kale oo dhacdadan horaanteed arin mucjizo ah ka yidhi nin la odhan jiray Ina Weysoxume (oon isagu Daraawiish shaqo ku lahayn), oo uu Koofil dulmiyay, wixii uu maal iyo reer lahaanna ka duudsiiyay. Ina Weysoxume waxa uu tiriyay gabay kuhaan ah oo ku habaaray Koofil (waxa uuna gabaygiisan ku caddeeyay sifahii Koofil lahaa: Inuu wax dhaco, waxna kala hormariyo, waxna sidiisa u fushado, waxna laayo); Illaahayna waa u fuliyay sidii Ina Weysoxume ka dalbaday: (Sh. J. C. Ciise, 1998)
Sayidkoo wax galey raacdadoo la isku soo gaadheyAdiga iyo gubnigaad waddaa gabootaal noqo’eGildhigaanku kaa joogsay oo guuxa kaa damiyeKu googooste nimankii kufriga gaajadduu qabayeAfkuna gaw ku yidhi xaajadaad gees u badisaayeGuga ha gaadhin adigaa tolkay gaajadaas badaye.
Koofil dhimashadiisii Daraawiishta wax weyn ayey u soo kordhisay; gumaysigii Ingiriisku beelihii ku dhaqnaa Waqooyi-Bari Soomaaliya wiqaayadii ayuu kala noqday. Ismaaciil Mire oo ka hadlaya dagaalkaa (Ruuga, October 9, 1913) abaabulkiisii iyo soo af-jaraddiisiiba halkan ka akhriso. Imikana waxa uu ka yidhi Sayidka aan isla eegno. Sayidka markii gabaygii Ismaaciil Mire ee dagaalkan ku saabsanaa uu dhageystay ayuu isaga oo Koofil la hadlaya gabaygan mariyay: Read the rest of this entry »
Posted in Gabayadii Sayyidka, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Gabay, koofil, Literature, Poem, Richard Corfield, Sayid Muxammad Cabdulle Xasan, Somalia, Soomaali, Suugaan. 2 Comments »
Ammaan FarasTuesday, June 24, 2008 — Jidhidhico
Sayid Muxammad waxa uu ku jiraa ragga ammaanta fardaha looga hadhay, isla markaasna aqoonta baaxadda weyn u leh qaab-dhaqanka fardaha. Sayid Muxammad fardaha wuu u gabyey una geeraaray. Matalan, gabayada Sayidku fardaha u mariyay waxaa kamid ah: Xiin-fiiniin, Maadays, Laalays, iyo kuwa kale oo fara badan. Haddaba, Sayidku markan waxa uu geeraar u marinayaa faras magiciisa aannu nasoo gaadhin, balse geeraarkii oon dhameystirnayni na soo gaadhay. Geeraarkan oo sawir ka bixinaya sida Sayidku hodan eray ugu ahaa ku soo dhawaada.
1. Kalalaaga afkiisa 2. Kaltabaa isku dhaaban 3. Kalwis loogu ridaa 4. Ma kullaabadataa? Read the rest of this entry »
Posted in Gabayadii Sayyidka, Maanso, Soomaali. Tags: Ammaan faras, Gabay, Laaleys, Literature, Maadeys, Poem, Sayid Muxammad Cabdulle Xasan, Somalia, Soomaali, Suugaan. No Comments »
“Farriin Ogaadeen”Thursday, May 8, 2008 — Jidhidhico
Xilligii Daraawiishta, waxaa jiray afar firqo oo ra’yi kala duwan ku maamulayay deegaaanadii ay fadhiyeen. Afartan firqo ama talis ayaa kala ahayd: 1) Rayid oo taliskii Ingriiska ku hoos jirtay oo hogaankooduna fadhiyay magaalada Barbera, 2) Dhabayaco oo Hobyo looga arimin jiray oo Suldaan Cali Yuusufna majaraha u hayey, 3) Huwan oo xabashida la beer ahayd, iyo 4) Daraawiishta oo uu Sayid Muxammad hogaamiyaha u ahaa. (Wadanka intiisa kale, waxaa macquul ah, in talisyo kale ka jireen balse kuwan ayay ishu imika qabanaysaa.) (Sh. J. C. Ciise, 1999) Sidaa markii loo kala weecday ayaa waxaa jiray ididiilo-dad-urursi, oo nin waliba oo madax ahaa waxaa ku jiray hami ah in dadka kale een meelnaba haysan golihiisa u soo duwdo, si’uu cudud adag u yeesho. Dadka aan markaa meelnaba ka tirsaneen waxaa ka mid ahaa jilibka Ibraahiim ee Ogaadeen, waxayna sahan u soo dirsadeen Daraawiishta oo xaruntoodu tiilay Taleex. Daraawiishta way ku farxeen sahankii, waxayna si hufan u soo dhaweeyeen raggii sahanka ahaa, iyaga oo markaa ku dadaalayay inay Ibraahiim ka helaan dad ku soo biira dhinacooda. (Sh. J. C. Ciise, 1999) Sahankii markii ay sii laabanayeen ayaa lagu daray rag Daraawiish ah, oo Xasan Gaaruf uu ka mid ahaa. Xasan Gaaruf waxa uu Sayidku u sii dhiibay gabayga “Farriin Ogaadeen,” oo xirsi-xidh iyo soo “dabbaalida” tolkiiba leh. (Sh. J. C. Ciise, 1999) Gabaygan waxaa kale oo degmooyinka Soomaalida looga yaqaanaa, “Gabayga Ibraahiim.” Waa gabay soo jiidasho leh, ina tusinayana hog kamid hogagii gabayga laga marin jiray oo ah “amaanta.” (Sh. J. C. Ciise, 1999)
Sayidku wuxuu yidhi: Read the rest of this entry »
Posted in Gabayadii Sayyidka, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Gabay, Literature, Poem, Sayyid M. C. Xasan, Somalia, Soomaali, Suugaan. No Comments »
“Dhugasho”Friday, May 2, 2008 — Jidhidhico
Dhugasho waa gabay soo baxay 1972dii. Waxaana mariyay abwaan C/laahi Macalin Axmed ‘Dhoodaan.’ Dhab ahaantii gabaygani waxa ku dheehan murti aad u qiima badan, dadka Soomaaliyeed dhanlintiisuna ka indho xiran tahay; wuxuu geedaha iyo xoolahaba naga tusayaa casharo layaab leh oon badenkeenu wax ku qaadashadeeda aanu dayacnay. Hoos markaanu maansadan ugu dhaadhacno, waxaanu dareemi karnaa abwaanka waxa xikmad maskaxdiisa ka buuxday. Mashaa Allahe gabaygu “dhugasho” la yidhi.
Wuxuu yidhi abwaanku (AUN):- Read the rest of this entry »
Posted in Gabaya'ii Dhoodaan, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Dhoodaan, Gabay, Literature, Poem, Somalia, Soomaali, Suugaan. No Comments »
“Dix-Dhagaxeed”Tuesday, April 22, 2008 — Jidhidhico
C/laahi Suldaan Maxamed ‘Timacadde’ (AUN) waxa uu ahaa “hanad Soomaaliyeed oo haybaddii maanso uu lahaa aan umadiisa ku hodin kuna hagardaamayne, wanaageeda ugu adeegay.” Waxa uu ahaa geeraarshe, calanka maansadiisu in badan sawir muuqda ka bixisay Soomaalida iyo “anshaxa xun” ee qabyaaladu hormoodka ka tahay oo ay had iyo goor u heelanyihiin. Waxaa Timacadde la soo gudboonaatay wakhti dadka Soomaalidu daafa walba qabyaaladu kamartay oo ninkii gabyaa (ama afatahannimo lagu ogaa) qabiil waxaan ahayn tirsan. Markii uu arkay dadkii (in yar mooyee) in nin waliba shaadh qabiil isku taagay, ayuu isku dayey in umadaas ka weeciyo “hantaqyada hadimada ee ay ku sii hoobanayeen,” isaga oo adeegsanayay maansooyinkiisii ay wadaninimada xooga lehi ku dheehnayd. Sanadku markuu ahaa 1967 ayuu mariyay gabaygii la magac baxay “Dix-dhagaxeed,” oo uu tilmaam waafi ah kaga bixiyay aayaha dambe ee Soomaalida. (Sida gabayga ka dhex muuqata: Waxaa uu Timacadde ka diiray dhiiga umada Soomaaliyeed ee caantaynka la kala sii sanayay; umaddii oo hadaf qabiil mooyee hadaf qaran meel isaga ooday; iyo in ubadkii dalka aayaha u ahayd la marin habaabinayay oo iyagii qoriga laysugu dhiibayay.) Gabaygan oo xikmad iyo tuusaalaba inoo xambaarsan ku soo dhawaada. Isuna eega in xaalkeennu maanta sidiisii yahay iyo in kale.
1. Dabuubtiisa gabay waan ka tagay, dihashadiisiiye 2. Dubaaqayga waataan ka jaray, waa fog dabadeede 3. Shin kastood daleed uga baxdoo, nabar is diidsiiso 4. Dibnahaagu shaygay bartaan, waad ku dayataaye 5. Haddii gole dabbaaldeg iyo faras, loo dalbado maalin 6. Oo loo duddeeyoo khalqigu, daawasho u joogo 7. Uu mid aan daryeelini xakame, daamankuu geliyo 8. Uu duulin orodkuu lahaa, dalacsi siin waayo 9. Uu cidhibta darrandoorriyuu, duubo madaxiisa10. Debcin maayo oo wuxuu ka baqan, inuu ka duulaaye11. Haddaad adigu daacuun ku tahay, dooddan iyo baacin12. Gacmaha waa ka daayaa ninkii, fuulmo daashadaye
13. Jeeraan direyska u gashoon, dibeda soo taago14. Daleen aniga iigama tagee, waa dig siin jiraye15. Waxaan gabayga deelkiyo lafta iyo, diirka uga qaaday16. Dadka ayaan ogaysiinayaa, dowgu suu yahaye17. Soomaalidoy daya wanaag, idinka doorsoonye
18. Docda bari dareeriga baddiyo, Seylac derifkeeda19. Dusha Koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa20. Degmadeena oo idil haddii aan, deyay abwaabteeda21. Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye22. Dulmi iyo dhac waa waxaa qaribay, degaladeeniiye23. Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede24. Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane25. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane26. Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray27. Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
28. Doqoniimo kugu baahday baan, cidi dabiibayne29. Duulkii inkaar qaba jinbaa, daasaduu tumo e30. Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye31. Waagii dilaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye32. Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede33. Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane34. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane35. Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray31. Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
32. Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda33. Ay duul walaala ah tahayoy, duunka ka heshiiso34. Dadka kama yaraateene way is, dabar jaraysaaye35. Dubba madaxa ways kala dhacdaa, daa’in abidkiise36. Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo galaye37. Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede38. Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane39. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane35. Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray31. Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
40. Ubaxeenii waa daadiseen, waana dubateene41. Dubaaxdiisii waad wada cunteen, duhur dharaareede42. Dariiq toosan Soomaalidaay, waa lagaa dedaye43. Darajada Ilaahay ninkii, doonayaa helo e44. Nin ka duday distoorkiyo waxyiga, diintii ka carrowye45. Dugsi maleh qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
46. Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo, daynin kala qaadka47. Dabaddaan ka joognaa sharciga, daacadda Ilaahe48. Danbarkeedu waa Jahannama iyo, dogobkii naareede49. Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede50. Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane51. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane52. Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray53. Wixii hore usoo daashaday bay, degashanaysaaye
54. Dir dir la isu laayiyo intaan, weerar daba joogno55. Ay dumarku weerkii sitaan, danabadii waayey56. Dabacyaalahaayey intay, midh isu dooxayno57. Uu sida dareemada u yaal, meydku dabadeeda58. Kollaaba doogsan maysaan haddaad, dunida joogtaane.
Xog: Codkii Allaha u naxariistee “Timacadde” oo ku xafidan mareegta: Doollo.com
Posted in Gabayo, Maanso, Maanso'kii Timacadde, Soomaali. Tags: Gabay, Literature, Poem, Somalia, Soomaali, Suugaan, Timacadde. No Comments »
“Hanfi iyo Hunri”Thursday, April 10, 2008 — Jidhidhico
Cali Jaamac Haabiil oo gabyaa caan ahaa oo fadhiyi jiray magaalada Burco ayaa gabayo dacaayad iyo aflagaadaba la ciir-ciiraya usoo gudbin jiray Daraawiishta iyo madaxdeedii oo uu Sayyid Maxamed ugu horeeyay, oo uu hoygooduna ahaa Taleex. Sayyid Maxamed oo gabayga looga bayd dambayn jirin ayaa gabaygan soo socda mariyay—sida gabayga ka muuqan doontana; Sayyidku Cali Jaamac oo kaliya kama waramin balse Soomaalida iyo wax daabad deegaankooda loogu ficil badanyahay iyo xilli iyo cimiloba faalo ayuu ka bixiyay. Runtii gabaygan waxa uu ku tusinayaa sida Sayyidku aftahanka u ahaa oo uu markaasna erayga habboon u heli jiray.
Wuxuu yidhi Sayyidku:- Read the rest of this entry »
Posted in Gabayadii Sayyidka, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Soomaali, Sayyid M. C. Xasan, Somalia, Poem, Literature, Suugaan, Gabay. No Comments »
“Kaana Siib, Kanna Saar”Friday, April 4, 2008 — Jidhidhico
Maansadan soo socota waxaa la yidhaahdaa “KAANA SIIB, KANNA SAAR.” Waxaa tiriyay abwaan (AUN) C/laahi Suldaan Timacadde, 25(6)kii June, 1960–Beerta Xoriyada ee Hargeysa. Waxay maansadani astaan u tahay calanka Soomaaliyeed ee labada cayn ah. Waxayna inoo tahay “muraayad” aan ka daawano falkii xiligii calan-saarka dhacayay. Abwaanku (AUN) waxa uu inooga tagey maanso geeraar ah oo cajiib ah oo na garad siisa dadkeenii hore iyo halgankoodii wada jirka ahaa ee ay xornimada noogu soo dhiciyeen. Wuxuu yidhi abwaanku (AUN): Read the rest of this entry »
Posted in Maanso, Maanso'kii Timacadde, Soomaali. Tags: Gabay, Literature, Poem, Somalia, Soomaali, Suugaan, Timacadde. No Comments »
“Qabyo”Friday, April 4, 2008 — Jidhidhico
Sida aanu wada ogsoonnahay, abwaan C/laahi Suldaan Maxamed ‘Timacadde’ (AUN) waxa uu ahaa halyey geesinimo iyo wadaninimo ku caan baxay. Timacadde (AUN) waxa uu gabayadiisa ku hagaajiyay wadadii Illaahayba ammaanay, waxa uuna carabkiisa ku cadeeyay in umad isku duuban dambigana ka fogaatay wanaagu ka maqnayn, balse cidii xumaanta doorataa cidhib dhigi doonin. Waxa uu in badan ka digey qabyaalada iyo shuqul xumadeeda oo ay Soomaaliduna maanta la il darantahay, waxa uuna ka dardaarmay dhibaatada ugu xun ee Soomaali soo wajahi doonta inay noqon doonto mid iyaga dhexdooda ka aloosanta; shaahid baanu maantana taas u nahay. Hadaba, Timacadde (AUN) gabayadiisii faraha badnaa ee qirada weynaa waxaa kamid ah gabayga “Qabyo,” kaas oo wax ku qaadasho inoogu filan maanta, waayo waxa uu ina tusayaa gabayganu in wadamada waaweyn ee reer Yurubba “balanbal iyo hoogba” soo arkeen.
Abwaanku (AUN) waxa uu yidhi (UFIIRSO) Dhagayso
1. Indhaweydba qaranka gabay qaad is ma lahayne 2. Wax waliba qisuu leeyahay iyo qiriyo maamuuse 3. Qawaaniinta maansaduna waa qalad la’aan sheege 4. Halkaan xarafku kuu qabanba waa laga qandoodshaaye 5. …………………………………………………………………………… 6. Maansada qaraamiga yar-yar ee qayliyaa dilaye
7. Qarka Orobba qaaliga Faraans qoorriyada Maarsi 8. Quruxdii Almaan iyo dhulkii Muuse laga qaaday 9. Qalcadii burburiyo reerahay qadaye yeedheysey10. Ninna lama qasbine waw qasdeen iney qasaaraane11. Qabbaa rag isu geeyaye markay qaraxday baaruuddu12. Taangiga qafilan maalintuu qaatay minawaarku13. Qalladdii Jabbaan lagu dhuftay uu qoob la rogi waayay14. Qunbulooyinkii oo kalaan maanta qubayaaye15. Haddaad qaban karaysaan araar qaaliyaan tirine
16. Dawladahan laga qayliyee qaaq wax kaga siiyey17. Nin waliba maruu qaadan jirey qaanso iyo leebe18. Qarfo iyo mar buu seexan jirey qalanqal hoosteede19. Ha yeeshee quluub wada jirtaa qaniya shiikhoowe20. Qalalaase meel lagu lumay iyo qaylo iyo oohin21. Qorraxdii dhacdaba teennu way kala qaxaysaaye
22. Nin qalbi la’ Quraan ka u akhriyey “Qaaf” dheh ku harraadye23. Kutubaa sidii lagu qarridhay qiil la’ Aakhiro’e24. Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye
25. Qodob la ridey qudhaanjada gashaa qoob dad wow halise26. Hadduu geed qallalo roobku wow qamac kaliileede27. Dixriga qudhunku uma soo uro ee waabu quudsadaaye28. Qasaaraha dhexdana haadaan layska qabanaynin29. Qabaa’il iyo jeeroo la naco qaadkan lagu waashay30. Qasdi jeerey wada yeelatoo qawlka ku heshiiso31. Qabyo weeye Soomaalidaay qiiradaadaniye.
Hadduu Eebe Idmo, gabayada Timacadde oo bogagan buuxiya ayaanu arki doonnaa.
Posted in Gabayo, Maanso, Maanso'kii Timacadde, Soomaali. Tags: Gabay, Literature, Poem, Somalia, Soomaali, Suugaan, Timacadde. No Comments »
“Shaamareer”Monday, March 31, 2008 — Jidhidhico
Gabayga “Shaamareer” waxa uu soo baxay 1977, sanadkii dagaalka ba’ani dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Gabaygan waxaa tiriyay C/laahi Macalin ‘Dhoodaan,’ (AUN) waxa uuna joogay magaalada Dhagaxbuur oo xilligaa xaalad adag ku sugnayd.
Waxa uu yidhi Dhoodaan (AUN), Read the rest of this entry »
Posted in Gabaya'ii Dhoodaan, Gabayo, Maanso, Soomaali. Tags: Dhoodaan, Gabay, Literature, Poem, Somalia, Soomaali, Suugaan. No Comments »
« Older posts
Blog at WordPress.com. • Theme: Garland by Steven Wittens and Stefan Nagtegaal.
Dabar-Bileed
September 2008
S
S
M
T
W
T
F
« Aug
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
Search for:
Duruustayada
Suugaan
Gabayga
Maahmaahda
Dabar-Billeed
September 2008 (3)
August 2008 (5)
July 2008 (5)
June 2008 (11)
May 2008 (2)
April 2008 (6)
March 2008 (4)
February 2008 (8)
January 2008 (1)
December 2007 (1)
Duluclayaal-DoorranAlgebra aw jaamac Caresy Ciise careys ciise Ciyaar dagaal Dhoodaan English feedh Fiction Gaalo-Leged Gabay Gudban Haabaar hablo Higil Inkaar Ismaaciil Mire Jaamac Kediye Jiinley koofil libaax Literature Maanso Masafo Math murti Nabsi Poem qaliir Qiso Quadratic Formula saar Sayid Muxammad Cabdulle Xasan Sayyid M. C. Xasan sheeko Somali Somalia sonnet Soomaali Story Suugaan Timacadde Waalid Xiin Finiin
Daneeye
Abwaan Maxamad Bashi… on “Bal car sheega……
Xuseen Hudle on “Gudban”
Jidhidhico on “Koofil”
Jaamac on “Koofil”
c/waaxid on “Ciyaaraha Soomaali…
Desiree on “Gudban”
Jidhidhico on “Waa maantaan dhala…
faisal on “Waa maantaan dhala…
Jidhidhico on Suugaan
KAYD MAXAMED CABDALL… on Suugaan
Jidhidhico on Suugaan
shafi on HIGIL
Jidhidhico on HIGIL
shafi on HIGIL
Jidhidhico on Juxa iyo Dameerihiisii
Doorranayaal
"Soomaali baan ahay...": Jaamac Kediye Cilmi
Ammaan Faras
"Farriin Ogaadeen"
Videos
Gabayga
OLOL: Sheeko Shakaallan
"Bal car sheega...": Jaamac Kediye Cilmi
"Koofil"
"Xiin Finiin"
Suugaan
Dunidan-Warkeedii
Shares plummet despite AIG rescue
US embassy in Yemen bombed
'US missiles hit' Pakistani village
China's baby milk scare spreads
Kadima holds leadership contest
Russia in Georgia separatists pact
Shell facility attacked in Nigeria
Karadzic faces new indictment
Gates regrets Afghan civilian toll
Duluc-Sayniseed
Australia issues first license to clone human embryos
Russia to help Cuba build space center
Common plastics chemical linked to heart problems
Evolution fine but no apology to Darwin: Vatican
Medvedev wants Russia to set Arctic seabed borders
Scientists discover 120 million year-old ant
Sharks released off Sydney beach for study
All-electric vehicles no magic bullet: scientist
Self-flying helicopter gets off ground
Scientists get images of planet with sun-like star
Yaa Jooga?
Martida Maanta
_qmeta="qc:adt=0;bti=HIGIL+---+%22Hawo+iyo+hilow+gacalo+iyo%2C+hurud+nabdoon+baa+leh.%22+S.M.C.X.;lan=so";_qacct="p-18-mFEk4J448M";quantserve();
st_go({'blog':'1585485','v':'wpcom','post':'0','subd':'jidhidhico'});
ex_go({'crypt':'D6%7C%2CY1mqxeZ3bLynm-V%2C.V7A%5B8-j%7E%2CcUmu%2C8Jrm%2BgnboAomX8YmpRJeuZ%3FjQ1%2Bun62nrCDuECSHvzEH.OnCU0E.2wNn%2Bocl%2FmKc%2Fyb9%26gcj6bN%2By%2FH2QEqqrO%3DSz%7Cc4wJ8LLMErW3%2F'});
addLoadEvent(function(){linktracker_init(1585485,0);});
Wednesday, September 17, 2008
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment